Sidee Loo Qoraa Blog Article (maqaal) ?

Technsom Admin

 

Sidee Loo Qoraa Blog Article (maqaal) ?

Sidee Loo Qoraa Blog Article (maqaal)?

Maqaal ama article fiican inaad qortid waa inaad fududeysaa aqrintiisa, inaad qurxisaa,
inaad baragrafyada weyneyn, inuu yahay SEO-friendly, su’aasha waa sidee u sameyn kartaa?

1- QOR SI JOOGTEYN LEH

Ganacsi kasta ama rabitaan kasta oo aad leedahay guuleysan maayo ilaa aad joogteyn la timaado.

Blogging waa ganacsi aadan arkeynin lacag badan sanadka ugu horeeyo.
Sida keliya ee aad ku gaari karto guul waa in aadan natiijo sugin bil ama 2 bilood ka bacdi, balse aad waddid ugu yaraan 2 sano oo kaamil ah si aad in fiican oo kugu filan uga heli kartaa.

Execution ama fulin

In la bilaabo blog waa wax fudud, laakiin in la wado fulinteeda weeyaan waxa la isku dhaafay.

Af ingiriiska waxaa la dhaa “an idea is nothing unless its executed”
Taas oo micnaheeda tahay “fikrad wax ma tareyso hadaadan ka shaqeeysiin”

Fikirada kaa dhex guuxaya sida keliya ay ku noqon karto ganacsi waa inaad fulisaa oo aad ka shaqeysiisaa si joogteyn leh, waxaa hubaal ah in aad natiijo ka heli doontid.

Haa wey dhacdaa in natiijada ay noqon karto mid khasaaro ku dhamaata, laakiin fakar la fuliyay si joogteyn leh badanaa guul buu ku dhamaadaa amase wax baad ka baraneysaa.

Inta ganacsi ee aan khasaray wexey ahaayeen kuwo aan joogteyn uga shaqeynin.
Kuwo aan ku guuleystay waa kuwa aan u fuliyay si joogteyn leh.

Marka isku day wax walbood bilowdid inaad la timaadid JOOGTEYN, FULIN jawaabteeduna waa NATIIJO.


2- ARTICLE LA AQRIN KARO, QURXANNA WUXUU U FIICAN YAHAY SEO.

Baragrafyada:  sida aad uga jeedid masawirka kore, artikalkaada haddii barafrafkiisa isku xigxigo, hadduu aqriyaha  mashquulo oo uu rabo inuu aqriskii kala qabsado meeshuu uga tagay, Wuxuu ku qasbanaanayaa in uu aqriyo laba ama saddex leen suu u helo meeshuu joogay.

Laakiin markey baragrafyada yar yihiin wexey u fududeyneysaa aqristayaasha iney horey ka helaan meeshey uga tageen. Teeda kale habkan baragrafyada kala baxbaxsan wuxuu jilcinayaa in aqristayaasha qeyb badan ka aqristaan artikalka taas oo sababeysa ineey ku jiraan waqti dheer websiteka.

Baragrafyada waa iney ahaadaan ugu badnaan 1 ilasa 4 leen oo isku dhex dhex jiro. Yacni in aad 4 leyn qortid waxaad ku xijineysaa hal leyn ama labo.

ISKA SAX  SEO - GA

Wax yaalaha aad u baahantahay in aad iska saxdid si SEO uu kuugu hagaago, google kor ugu qaado blogga rankingkiisa.

Isticmaal wax la yiraahdo heading tags Titalo heading loogu yeero oo qadda madow leh, Heading 1 waa kan ugu wayn oo loo isticmaalo titalka blogga, heading 3 waa subtitles ama qodobada blogga titalkooda.

waxa loogu tala galay in qodobada aad uga dhigto cinwaano ka yar kan weyn ee artikalka oo dhan u ah cinwaan.

Waxey aqristaha u fududaaneyso in uu ka dhex raadsado subtitleka ama cinwaanada ku dhex jira artikalka uu rabo inuu aqristo. 

– Artikalka bilowgiisa ku micney qeybaha kala duwan ee uu artikalkaada ka hadlaayo si aqristayaasha ay u ogaadaan haddii ay ka helaayaan xogagga uu raadininayaan.

 Hyperlinks ama linkiga dadka ka aadi karaan productiyada aad ku waanineysid, dadka wexey barteen oo dhaqan u leeyihiin inuu yahay kalarka bluugga ah.

Sidaan kor ku xusay, in baragarafyada ay gaa gaaban yihiin uga badnaan 1 ilaa iyo 4 leen.

Habkaan waa sida aan technsom.com ugu qorno artikalada oo uu ka mid yahay kan aad hadda aqrineysaan.

Dadka wey yasaan in ay ku fakaraan artikalkeyga sidee baan dadka raba in ay aqristaan ugu heyn karaa websiteka gudahiisa.

Daqiiqadaha ay dadka ku jiraan website-kaada hadduu bato, Google wuxuu kor u qaadaa bloggaaga oo page kowaad korkiisa inaad aaddo ayaa fudud.

Tabelladan hoos ku sawiran wexey kugu caawineysaa hab aad raaci kartid.
Balse ha isku mushquulinin inaad raacdid 100/100. U isticmaal  hanuun amase “Guide”

3- RAADI “RESEARCH” MOWDUUCA AAD RABTID INAAD KA QORTID

Mar walbood blog post qoreysid waqtiga ugu badan wuxuu kaa galaayaa raadinta informationka iyo qoridda.

Waa muhiim in aad research fiican soo sameysid, haddii kale waxaa fudud in aad dadka siisid xogo qaldan amase aan tayo leheyn.

Taasina  wexey hoos u dhigeysaa waqtiga uu aqristaha kula joogaayo oo waxaana fudud inuu website-ka ciyow ka  baxo, hoos waxaa u dhacaayo waqtiga website-kaada lagu jiro, midaasoo u fiicneyn Google SEO.

KEYWORDS

Waa erayada ama magacyo uu google isticmaalo inuu ogaado wuxuu ka hadlaayo blog artikalka,
Ma jiro waqti ka fiican maantay in uu qof bilaabo blog. Inteysan keywords-yada af Somaliga buuxsamin.

Haddaad gelisid jaamacadda caafimaadka waa keyword hadhow markuu qofka su’aalaha ku qoro google uu tusayo.

Balse waa inaad ogaataan keywords af somaliga waa eber, taas oo micnaheeda tahay in ay san jirin
blog-yo badan ama artikalo badan oo laga qoro keyword-yada af soomaaliga.

Hase ahaatee waa muhiim qofka maantay bilaabayo blog af somaali lagu qoraayo in uu soo galo page-ka koowaad ee Google-ka.

Waxaa jiro tools ama qalabyo kugu caawin karo inaad raadisid keywords uu mowduucaaga ka hadlayo, laakiin kuwa lacagta ah waa qasaaro, madama ay keywords-yada af somaliga daciif yihiin.

Hadaan si gooni ah u fiirino dadka afafka qalaad ku qora, waxaan ka qori doonaa artikal gooni ah oo ku saabsan keywords tools Inshallah.

Response post

Dadkayaga afsomaliga ku qora, sidee bay u sameyn karaan keywords research?

Wax yaalaha aan shaqsiyan sameeyo waxaa ka mid ah,  markaan rabo inaan qoro artikal sida midkaan
“ sidee loo qoraa blog artikal”.

Waxaan af ingiriis ku raadshaa isla titalka, “how to write a blog article”.

Kadibna hoos waxaan ugu daadagaa qeybta su’aalaha ugu badan ee dadka weydiiyaan


Sidaad masawirka kore uga jeedid su’aalo isu dhow ayeey dadka ku qoraan google, iyagoo raadinayo jawaabo, inaad qortid blog ka jawaabaya su’aalahooda wexey kuu fududeyneysaa in ay dadka helaan jawaabo waasac ah oo mugdiyo badan ka iftiimiyo.


4- ARTIKALKAADA DADKAAD U QOREYSID.

Kowda hore markaad qoreysid arikal inta aadan qorin waxaad u baahan tahay inaad soo aruurisid xogagga uu mowduucaaga ka hadlayo.

Sidoo kale waxaad u baahan tahay inaad diyaarsatid dhowr blog artikal oo ka hadlaayo mowduucaas ama Topic aad markaas ka qoreysid..

Tusaale ahaan hadduu mowduuca ama niche-ka yahay “ Waxbarashada”, waxaad diyaarsan kartaa dhowr artikal oo ka hadlaayo:

A) Shuruudaha jamacadda caafimaadka
B) Sidee la isugu diyaariyaa imtixaanada jaamacadda caafimaadka
C) Sidee u doortaa taqasuska dhakhtarnimada
D) Sidee loo raadsadaa isbitaalo ku siiyo taqasus

Markaad ka qortid wax kastoo xog ah ee jaamacadda caafimaadka ka heysay waxaad u gudbi karaaniche kale sida enjinernimada, ganacsiga iwm.

Taasi wexey kuu anfaceysaa haddii uu soo galo aqriste raadinaayo artikal ka hadlaayo mid ka mid ah mowduuca  wuxuu ka sii aadi karaa artikalada kale.

Sida ka muuqato masawirkan kore, markaad arikal ka mid ah mowduuca gelisid blogga, waxaad ku lifaaqi kartaa linkiyada kuu diraayo artikalada kale. Midaaso caawineysa aqristayaashaada, badineysana waqtiga ay ku jiraan website-kaada.

MA AkhRISATAY Article ka : Waa Maxay Blogging sideese ku bilaabi kartaa?

5- U QOR SIDA INAAD U QOREYSID QOFAAD TAQAANID

Artikalka lagu qoro blogga wuu ka duwan yahey arikalada lagu qoro newspaper-da,
Blog artikalada waa inaad u qortaa sidii inaad u qoreysid qofaad taqaanid oo kale.

Waayo hadaf kaagu waa inaad caawisid aqristayaashaada siday xal ugu helaan baahida ay markaas qabaan.

Micnaheeda ma ahan inaad ciyaal xaafadda camal u qortid, waa jid u dhexeeyo professional iyo personal, oo micnaheedu yahay qof aad taqaanid balse aadan iskula hadlin luuqadda ciyaalka xaafada, amase “slang language”

Adigana markaad qoreysid waa in aadan ku mashquulin erayo adag raadinteeda, balse aad si waasic iyo kalsooni leh uga hadashid mowduuca.

6- QOR DHOWRKA CINWAANADA HOOSE EE AAD RABTID INAAD WAX KA QORTID

Hababka ii fududeeyo inuu waqti yar igu qaato qoridda artikalkeyga, waxa ugu horeeya ee aan sameeyo markaan “research” ku soo sameeyay waxaan rabo inaan ka qoro, ayaa ah inaan kow qoro titalada Qodobada.

Inta qodob ee aad rabtid inaad ka qortid ayaa kuu saamixaayo in uu artikalkaada gaaro ama dhaafo 1000 eray

Artikalkaan markaan qoraayay waxa ugu horeeyay ee aan qoray wexey ahaayeen 7da qodob ama “Steps” ee subtitle-ka cinwaanada hoose.

Kadibna waxaan qoraa qeybta ugu koreysa ee ah hordhac, ama introduction
Waxaana hordhac ku sameeyaa blog post wuxuu ku saabsan yahay iyo qodobadaan ku micneyn doono.

Waxaan marba qoraa qodobada mid ka mid ah, mana u baahni inaan ka fakaro qodobka soo socda wuxuu ku saabsanyahay waayo titalka wuu ii sii qoran yahay.

Waxaana ka qoraa qodobka markaas iga dhex guuxaya amase ii fudud inaan hal fadhi ku qoro.

7- GRAMMAR-KA ISKA SAX.

Sideed u saxi kartaa marka? Shaqsiyan waxaan sameeyaa, markaan dhameeyo qoridda artikaleka, meel baan iska dhiga.

Dhowr maalmood ka bacdi. Markaan rabo inaan publish gareeyo ayaan aqriyaa oo saxaa qaladaadka badan kooda, haddana markaan geliyo websiteka intaan saxayo titalada iyo waan aqriyaa markale.

Ugu dambeyn draft ahaan baan ku daayaa, maalinta ku xigta ama maalmaha ku xiga markaan rabo inaan publish gareeyo waxaan aqriyaa marka ugu dambeyso.

Sidaasoo tahay wey dhacdaa inaan markaan publish gareeyay amase haddaan arko qaladaad aan saxo xataa haddii ay bilooyin ka soo wareegeen.

GABO GABO

Haka welwelin haddii uu waqti dheer kugu qaato qoridda artikaladaada siiba kuwa ugu horeeya.

Artikalkeyga ugu horeeyay wuxuu igu qaatay seddex isbuuc. Laakiin markaad waddid waxaad heleysaa habab kuu fududeyn doono inaad ku qortid artikal waqti gaaban gudahiisa.

Qodobadaas ee aan kor ku qoray waa qodobada aan aniga isticmaaloo.
Waxaana rajeynayaana in uu idin anfaco idinkana.

 

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use
Ok, Go it!