Sidee lacag looga sameeyaa blogging?
maqaalkan waxaan uga hadli doonaa dhowrka nooc ee ugu caansan
ee lacag looga sameeyo blog iyo guud ahaan online, iyagoo kala ah:
– Adsense
– Affiliate marketing.
– Courses
– Digital products
– Sponsorship
Waagi hore hababka lacag looga sameeyo blog waxey ahaayeen,
taraafik badan ku mushquul saad u sameysan leheyd
haddii aad taraafik badan heysatid Adsense lacag fiican baad ka
sameyneysaa.
Haddase arinta wey is bedeshay, haa waad u baahan tahay
taraafik,
balse lacagta ma ahan inaad ka sameysid adsense keliya
Markaad ku fakareysid mowduucee baad rabtaa inaad ka qortid.
Hadafkaaga koowaad waa in aad sameysaa mowduuc aad aaminsan tahay inaad
aqristayaasha ku caawin kartid, iney kaa helaan xogagga ay u baahan yihiin.
Maadaama aad gelineysid waqti iyo dadaal, Waa inaad ka sameyn kartid lacag kugu
filan ee beri ka maalin aad kala soo bixi kartid nolol maalmeedkaada ama wax ka
badan.
Haddii yoolkaaga yahay inaad lacagta ka sameysid inta nooc ee aan kor ku xusay,
su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah:
Sidee u dhisi karaa blog dadka ku caawinayo iney xogo tayo leh ka helaan, anna
lacag uga sameyn karaa??
ADSENSE (DISPLAY ADS)
Google Adsense waa hab ay google u geliso blog-gaaga xayeysiin,
kadibna kunkii qof ee ku soo ee ku soo booqda, waxey ku siineysaa lacag.
Balse lacagaha blogyada iyo guud ahaan online-ka laga
sameeyo, display ads waa nooca ugu lacag yar oo lacag mishaar buuxda saad uga
sameysid waa inaad boqolaal kun ay soo booqdaan blogga.
Badanaa dadka waxey ku lifaaqaan hababka kale ee bloggan ku qoran, mid ama kuwo
ka mid ah inay isku darsadaan si ay lacag fiican uga sameeyaan.
Waxey kaloo ku xiran tahay meeshaad adduunka kaga nooshahay. Qof ku nool
dhulalka galbeed wuxuu u baahnaanayaa boqolaal kun oo aqristayaal ah si uu u
Sameeyo 3000- 4000 USD.
Balse haddaad degentahay Somalia ama Africa
waxaa laga yaaba in 500 usd ay kugu filan tahay saad u noqotid full time
mishaar.
Waxaa jiraan shirkado kale oo sameeyo display ads sida adsense balse badana
waxey rabaan blog trafik fiican leh, balse trafigaas waxey jecel yihiin inuu ka
yimid mareykanka.
Inshallah waxaan ka sameyn doonaa artikal aan ka hadlaayo niche-yada kala duwan iyo dhowrka nooc ee aad isku darsan kartid inaad lacag ka sameysid.
AFFILIATE MARKETING
Affiliate marketing wax kale ma ahan aanan eheyn inaad kula
talisid aqristiyaasha “products” badeecadaha ay shirkadaha kale gadaan, adoo
gelinayo blog artikalkaada link ay leeyihiin oo tracking leh.
Shirkadahaas wexey bixiyaan wax la yiraahdo affiliate marketing.
Waa inaad ka qeyb qaadataa affiliate program-kooda, si markaad dadka ula
talisid inay alaabtooda gataan aad adigana uga heshid percentage ama boqolkiiba
qeyb.
Shirkadaha waaweyn “percentage” aad heleysid, caadiyan 2 ilaa iyo 10% qiimaha
alaabta ay joogaan.
Waa stratejiyad Muhiim ah, inuu blog niche kasto qabo
Run ahaantii website-yo badan baa loo sameeyay keliya in ay affiliate marketing
sameeyaan, oona sameeyaan kumaan kun oo dollar bil kasta.
Shirkadahaasna waxaa ka mid ah Amazon, Clickbank, CJ Affiliate by
Conversant, Share-a-Sale iyo kuwa kale.
KOORSOOYIN – COURSES
Koorsooyinka waa skill aad leedahay oo aad go’aan ku
gaartid inaad dadka kalena bartid, waxaad ka bareysaa online, badanaa
video-yaal, qoraal amase maqaal baa loo sameeyaa.
Koorsooyinka adigaa sameysan karo oo website intaad u sameysatid wixii profit
ahna aad adiga leh.
Laakiin hadhow waxey kaa rabaan in aad marketing-ka iyo suuqgeynta koorsadadaada.
Caadiyan dadka koorsooyinka leh waa dad intaysan koorsooyin sameynin ku soo
caan baxay skill-kooda kadibna markey dadka information qiimo badan si free ah
u siiyaan, bey bilaabaan iney koorsooyin sameeyaan.
Amase waxaad gelin kartaa website-yo shaqadoodaba tahay in ay koorsooyinka dad
kale duwan u soo bandhigaan, deetana wixii aad gadid qeyb bey profitka kaa
qaadanayaan.
Shirkadaha sameeyo servicekaan waxaa ka mid ah
Skillshare.com
Udemy.com
DIGITAL PRODUCTS
Digital products micnaheeda waa alaabo ama adeego aad dadka
uga gadeysid si digital ah, wax yaalaha loo yaqaano digital products waxaa ka
mid ah:
E-books, software, files, guides iwm
Wax walbo oo aad file la soo dejisan karo wuxuu ku soo biyo shubanaya digital
products.
Waxyaalaha uu ku fiican yahay ayaa ah mar haddii aad sameysid a digital product
hadduu hal qof kaa gato ama hadduu hal malyan oo qof kaa gataan shaqada kaa
gashay waa isla midkii laakiin faa’iidada limit ma lahan.
SPONSORSHIP
Shirkadaha waa weyn ee brand-ka leh waxey raadsadaan
content creator, dad ku daabaco online nuxuro ay dadka ka faa’iideystaan ama ku
madaddaaleystaan.
Meelaha ama platform-yada ay ku daabacaan way kala duwan yihiin.
Markaan u soo daadegno Blogging-ka, waxay raadsadaan blogyo ku caan baxay
caawinta aqristayaashooda.
Waxey shirkadaha sponsorka bixiyo raadshaan. Blog-yo
brand-kooda dhistay oo badanaaana ay yihiin isku branch.
Tusaale ahaan. Haddii aad leedahay blog ka hadlo taleefanada, waxaa fudud in
Samsung ama apple Iney ku dhahaan inooga qor artikalo aad ka hadleysaan
telefanka cusub ee ugu dambeeyay oo u soo baxaayo lacag fiicanna ku baxshaan.
Dadka caanka ku ah dalxiiska waxay sponsoro ka helaan shirkadaha kamerada wax
masawirto sida GoPro, Canon iyo waxii la mid ah.
GABO GABO
Sida
ugu haboon ee aad ugu sameyn kartid lacag fiican waa inaad isku dartid dhowr
noocood ee aan kor ku xusay.
Blog kastana waa ugu yaraan labo ilaa kuligood inuu isticmaalo si uu u noqdo
blog profitable ah.